Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo sheegay in uu ka baxay Kooxda Al-Shabaab (Daawo)

August 15, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ayaa maanta si cad u sheegay in uu ka baxay ururka Al-shabaab oo mudo badan uu ka mid ahaan jiray, waxaana uu faahfaahiyey sababta uu uga baxay kooxda Al-Shabaab .

Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isku khilaafeen caqiido iyo danaha Umada Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in dhowr mar ay kooxda Al-Shabaab shirqool ku dili lahayd balse uu ka badbaaday uuna iska Difaacay.

Wadaadka Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sidoo kale u mahad celiyey Masuuliinta DFS iyo umada Soomaaliyeed ee ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso war Saxaafadeedka Mukhtaar Roobow Abu Mansuur
Anigoo ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kana mid ahaa asaasayaashii Alshabaab, soona noqday ku xigeenkii madaxa Alshabaab waxaan u cadeynaya dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dhan qodobada soo socda:-

1- In aan ka baxay xubina ka aheyn ururka Alshabaab muddo 5 sano iyo 7 bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf caqiido ku qotoma oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegaynin.

Markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in ay i dilaan, balse Alxamdulilah waan ka guuleystay

2-Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in Heerkan wax soo gaaraan.

3- Waxaan cadeynaya inuu wadahadal noo socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan marti ugu ahay magaalada Muqdisho, Wadahadal kaasna aan ka fileyno natiijo iyo isfahan wax gal noqda Insha allah.

4-Waxaan marlabaad u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliyeed , Shacabkeeda iyo Madaxdeeda sida diiran ee la iigu soo dhoweeyay Muqdisho, anaga oo rajo ka qabna inaan u gogol xaarno Nabad waarta.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online