Nadwo Cilmiyeed Qiimo badan oo lagu soo Afmeeray magaalada Qardho (Masawiro)

August 6, 2017 - Written by Editor

Qardho:-Nadwadan lagu qabtay Masjid Cumar Binu Khadaab magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa sanadkan looga hadlay mowduuc balaaran oo loogu magac daray Diintu waa naseexo waxana nadwada sanadkan ka qaybgalay culumida ugu waawayn Puntland iyo guud ahaan Soomaliya.

Nadwo cilmiyeedkan oo socotay mudo sadex habeen ah ayaa waxa laga jeediyay 4 muxaadaro oo hoos imaanaya mowduuca guud ee Nadwada iyadoona sidoo kale ay jireen tacliiqaad iyo Fataawo ay daba socdeen muxaadaro walba.

Nadwada sanadkan 2017 waxa ka qaybgalay culimo ay ka mid yihiin.

1.   Sh. Daahir Aw-Cabdi

2.   Sh. C.naasir Xaaji Axmed

3.   Sh. Xasan Maxamed Muuse (Sh Xasan Bookh)

4.   Sh. C.raxmaan Bukhaari

5.   Sh. Maxamed Axmed Faarax (Sh Dabiix)

6.   Sh. Axmed Faarax Garaase

7.   Sh. C.shakuur Aadan Faarax.

Cinwaanka Muxaadaraadka laga jeediyay Nadwada Sanadkan waxaa ka mid ahaa.

1.   Dacwadu waa Risaalada qof kasta oo muslim ah

2.   Kafogaanshaha diinta islaamka iyo sababaha keena.

3.   Fadliga wax ku bixinta wadada ilaahay.

4.   Tarbiyada Caruurta.

Nadwadan oo ahayd tii 13 aaad ayaa ah mid sanadwalba xiliga xagaaga lagu qabto magalada Qardho waxana sanadkan soo agaasintay Mu’asasada Dacwada iyo horumarinta ee Al-minhaaj qaybteeda Qardho.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadkii laga jeediyey Nadwada Qardho Maqal iyo Muuqaal ahna Mp3 Inshalaah Dhawaan.

Musasat Al-Minhaaj
Daauud Maxamed Xasan
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online