ONLF oo Xaqiijisay in DFS ay Itoobiya u gacan Galisay C/ Xakiin Sh Qalbi Dhagax

August 30, 2017 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Jabhada ONLF ayaa waxay warmurtiyeed ka soo saartay sarkaal ka tirsan oo ay DFS u gacan galisay dowlada Itoobiya sarkaalka ayaa waxaa ay ciidamada NISA ee nabadsugida Soomaaliya ay ka qabteen deegaanada Galmudug

Sarkaalka loo gacan galiyey dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu magacaabaa C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Jabhada ONLF ayaa sheegtay in C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) in Dowladda Soomaaliya ay si awood leh ugu wareejisay Dowladda Itoobiya, lana geeyay meel si bani’aadanimada ka baxsan Maxaabiista loo gula dhaqmo.

Wargeyska Ethiopian Observer ayaa xaqiijiyey in C/ Xakiin Sheekh Muuse uu gacanta u galay dowladda Itoobiya, waxaana diyaarad Millateri looga soo qaaday magaalada Muqdisho waxaana diyaarada ay ka soo dajisay C/xakiin qalbi Dhagax garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya.

C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha halganka ONLF ku biiray 1984 waxaana 23 bishan ciidamada Galmudug ay ka qabteen gobalka Mudug iyada oo markii danbe ciidanka NISA ay geeyeen magaalada Muqdisho.

ONLF ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo Ra’iisul wasaaraha, Xasan Cali Khayre, La taliyaha Ammaanka Qaranka, Gen. Bashir Maxamed Jaamac Goobe, madaxa NISA Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalolshe” ay Dembi Qaran oo ka dhan ah Ummadda Soomaaliyeed, ay galeen sidaasi darteedna wixii ka dhasha ay qaadi doonaan .

Halkan ka Akhriso warmurtiyeedkii ay ONLF ka soo saartay sarkaal ka tirsanaa oo DFS u gacan galisay dalka Itoobiya

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online