Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee QM (Masawiro)

August 24, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.

Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

—-Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online