Ra’iisul Wasaare Khayre oo Midowga Yurub uga mahadceliyey garab-istaagooda Soomaaliya.

August 16, 2017 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, iyadoo soo gaarsiisay warqad ay ka siday Midowga Yurub oo dawladda Federaalka loogu caddeynayey garab-istaaga iyo wadashaqeynta buuxda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey warqada, ballanqaadka iyo taageerada dhinac walba ah ayaa yiri: “Waxaan Safiirada iyo Midowga Yurub uga mahadceliyey warqada qoraalka oo ay ku caddeynayaan sida ay diyaarka ugu yihiin garab-istaaga dhan walba ah. Midowga Yurub waxey 2 Million oo Euro ay ku bixiyeen taageerada Booliiska, halka 2 Million oo kale ay ugu talogaleen in 1000 dhalinyaro ah shaqo loogu abuuro, 300 oo kamid ahna jidka 30ka lagu kabo iyo in Dowlad Goboleedyada la gaarsiiyo qeyb ka mid ah dhaqaalahaas.”

Safiirada Midowga Yurub Venonique Lorenzo ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay garab istaagayaan dawladda, warqadan aan Ra’iisul Wasaaraha u keenayna waa caddeyn sida ay nooga go’antahay taageerada dowlada Federaalka. Jawaabtan ayaa ah codsi uu Ra’iisul Wasaare Khayre ka codsaday Midowga Yurub. Safiirada ayaa sheegtay inay kalsooni weyn ku qabaan Dowladda Federaalka iyo madaxdeeda, diyaarna u yihiin inay sii xoojiyaan taageeradooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay safiirada Midowga Yurub in taageeradooda loo isticmaali doono mashaariicda ay Dowladu qorsheysay, iyadoo ay jiri doonto isla xisaabtan dhab ah oo shillin walba meesha uu ku baxo la ogaan doono. Dowlada Federaalka wey ka go’antahay hirgelinta maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online