Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo Todobaadkan Looga hadlay Amniga, Sicir Bararka Iyo Xal u Helidda Lacagta Shillin Soomaaliga.

August 31, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xgeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka golaha xukuumadda Dawladda Puntland, waxaana looga hadlay arrimaha kala ah, xoojinta Amniga dalka, xaaladda sicir bararka iyo xal u helidda lacagta shillin Soomaaliga.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa ugu horey ku booriyey dhammaan shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntland in la illaaliyo oo laga wadda shaqeeyo xoojinta amniga, oo saldhig u ah xasiloonida iyo nabad gelyada dalka, isla markaana waxuu Madaxweyne Camey xusay in feejignaan gaara la sameeyo madaama lagu jiro u diyaar garawga ciidul Adxaha oo ay badi magaalooyinka waaweyn ee Puntland mashquul yihiin.

Shirka golaha xukuumadda dawladda Puntland ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha sicir bararka iyo xal u helidda lagacta shillin Soomaaliga, waxaana warbixino kusaabsan arrimahaasi laga dhegaystay Bangiga Dhexe ee Puntland, Wasaaradda Maaliyadda iyo guddiyo ku hawlanaa arrimahani ugub.

Dhinaca kale, Shirka golaha xukuumadda dawladda Puntland oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xgeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, ayaa dood dheer iyo gorfayn kadib xaqiijiyey in sida ugu macquulsan dawladdu usoo saari doonto qorsheyaal lagu xalindoono, lagagana hortegi doono dhibaatadaasi.

DHAMMAAD

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online