Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Baydhabo

August 8, 2017 - Written by Editor

Baydhabo Wafdi uu hogaaminayo Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga iyo saraakiil kale ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo uu kulan kula qaatay Ku-simaha Madahaweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi iyo Wasiirada Wasaaradaha Magacaaban ee Amniga iyo Qorsheynta.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga iyo Xaaladaha ka soo cusboonaadey Gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana diiradda lagu saaray sidii arrimahaasi loo xalin lahaa.

Wafdiga ayaa intaasi kaddib waxaa uu kormeeray xarunta Qeybta 60aad ee looga arrimiyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, halkaasi oo si diiran ay uga soo dhaweeyeen Taliyaha Qeybta 60aad Jenaraal Ibraahim Yaraw iyo Abaanduulaha Qeybta Ismaaciil Khaliif Shire.

Wafdiga ayaa soo indho indheeyay mashaariicyo kala duwan oo dawladda Boqortooyada Ingiriiska ay ka hirgelisay Taliska qeybta kuwaas oo Dhismahooda meel gabagaba ah maraya, Dhismooyinka oo isku gujira Xafiisyo, Cisbitaalka ciidanka, Qolal Jiif ah, Hool aad u weyn oo looga talagalay xafladaha ciidanka, shirarka iyo weliba goob lagu cilad bixinayo Gaadiidka Ciidanka.

Wafdigan ka socday Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada UK ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo xoojin lahaa tababbarada ay siinayaan ciidamada Xoogga dalka.

SONNA
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online