Ciidanka Amaanka ee Boosaaso oo Fashiliyey qarax ay soo maleegeen dhagax qabayaasha

September 18, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee gobalka bari ay fashiliyeen qarax khasaaro badan geysan lahaa kaas oo la dhigay goob laga raaco gawaarida Pl-ka oo inta badan dadweynuhu isticmaalaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku ay shacabka ku wargaliyeen qaraxa oo lagu soo qariyey fuusto ,Ciidanka amaanka ayaa xiray goobta waxaana qarxiyey miinada ciidanka qaabilsan Miino baarista .

Ciidanka Amaanka ayaa in mudo ah xayiray isku socodka gawaarida iyo dadweynaha waxayna baaritaano ku suubiyeen meheradaha iyo guryaha u dhow halka qaraxa la dhigay waxaana ay sidoo kale baarayeen Gawaarida u kala goosheysa gudha magaalada Boosaaso.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska ee gobalka Bari ayaa sheegay in ay ka hortageen qarax khasaaro badan u geysan lahaa shacabka kaas oo ay soo maleegeen dhagax qabayaasha Al-Shabaab oo dhiiga shacabka Soomaaliyeed xalaaleystay.

Ciidanka amaanka magalada Boosaaso ayaa caawa howlgalo ka wada qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso iyaga oo ku daba jira dhagax qabayaasha dhigay miinada  dhigay.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online