Dagaal ka dhacay saaka degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo

September 11, 2017 - Written by Editor

Beled-xaawo:-Ciidanka Al-shabaab ayaa saaka weerar waxaa ay ku qaadeen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo waxaan dagaal socday mudo ay la wareegeen Saldhigii Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay ku lahaayeen duleedka magaalada waxaan ay gudaha u soo galeen magaalada iyagoo xabsiga ka sii daayey maxaabiis ku xirnaa Saldhiga degmad Beldexaawo.

Ciidanka Al-shabaab ayaa saaka weerarkood ku bilaabay qaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo ay la eegteen Saldhiga ay lahaayeen ciidanka Federaalka Soomaaliya oo ay ku lahaayeen duleedka magaalada waxaan ka dib ay gubeen gurigii gudoomiyaha beled xaawo iyo xaruntii maamulka degmada.Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay gudaha u galeen xuduud dalka Kenya ka dib markii magaalada Beled xaawo ay la wareegeen ciidanka Al-shabaab.

Ciidamada sheegta AMISOM oo iskugu jira Itoobiya iyo Kenya ayaan saaka qayb ka ahayn dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo , dagaalka saaka ka dhacay degmada Beled Xaawo ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Beled-xaawo ayaa sheegay in dagaalka saaka ay ugu dhinteen 8 askari  7 kalena ay ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday saldhiga ay ciidanka Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen duleedka beled xaawo ee Gobolka Gedo. Dhinac Al-shabaab ayaa sheegtay in ilaa 30 askari oo ka tirsan ciidanka Federaalka Soomaaliya ay ku dileen weerarkii ka dhacay degmada Beled xaawo.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online