Faah faahin qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaaxi ku taal Beledweyne

September 10, 2017 - Written by Editor

Baladweyne:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey uu isku qarxiyey maqaaxi inta badan dadka shacab ah ay fariistaan oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaana khasaaro kala duwan uu gaaray dadkii shacabka ahaa.

Qofkan isku soo xiray jaakad miineysan ayaa waxaa uu soo galay maqaaxida xili ay dad badan ku sugnaayeen maqaaxda wuxuuna isku qarxiyey dadkii shacabka ahaa

Ilaa haatan waxaa ku dhintay 3 ruux waxaana ku dhaawacmay 20 kale waxaana dadka dhaawacmay ku jira saddex wariye ah oo ka howlgala  TV kala ah Jubbaland, Saab, iyo RTN.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo shir jaraa’id goobta ku qabtay ayaa sheegay in kooxda sharwadayaasha ah ee caadeystay dhiiga Muslkinka ay dad shacab ah qarxiyeen.

Ciidamada amniga ee magaalada B/weyne ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo dadka iyo gadiidka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan waxaana ay sheegeen in ay wadaa baaritaano.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online