Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray marti gelinta shirka Madaxda dowlad goboleedyada

September 30, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland. 

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.

Mudane Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Gobolka ay ka jirto isku tashi Bulshada iyo Dowladda dhexdooda ah taas oo soo dadajin doonta in Al-Shabaab la wiiqo awooda ay halkaas ku leeyihiin, wuxuuna xusay in ciidamada iyo shacabku ay isku tiirsan yihiin oo ay si wadajir ah nabagalyada uga shaqaynayaan.

Waxaa kale oo Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in xaaladahii abaarta uu gobolku kasoo kabanayo isla markana ay Noloshu soo hagaagayso.

Ciidamada ayuu sheegay in la tayayn doono isla markana ay dardar galinayaan sidii Degmooyinka gobolka la isugu furi lahaa deeganada wali Al-Shabaab ay Jubbaland ka joogana looga xorayn lahaa.

Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay halka ay marayso xaaladda Siyaasadda dalka, isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaallada uu ugu jiro sidii magaalada Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xaalada dalka lagu dajinayo.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.

Golaha ayaa isku raacay in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka iyadoo martida ka qayb galaysa shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.

Labada Madaxweyne kuxigeen ee Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha ayaa hawshan hormuud looga dhigay iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirka oo bilaabanaya Todobadkan gudahiisa.

Waxaa kale oo kulanka golaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi ahayn lagaga hadlay sidii loo meel marin lahaa xeerka dhulka iyo hantida Dowladda sida ugu dhaw bacdamaa ay muhiim tahay in dhulka dhisan ama banana ee ay Dowladu leedahay in gacanteeda lagu soo celiyo waxaana kulanka kan xiga xubnaha golaha loogu qaybin doona qoraalka xeerkan oo dhamaystiran.

Golahu waxaa kale oo ay ka hadleen dhacdadii diyaaradaha dagaalku ay ku duqeeyeen dad shacab ah gobolka Gedo iyadoo la isku raacay in baaritaan dheeri ah la sameeyo Xukuumaduna ay go’aan rasmi ah oo hawlgalada noocan ah la xiriira soo saarto si loo dhawro muwaadiniinta ku nool meelaha  Argagixisada lagu beegsanayo waxyeelana looga ilaaliyo.

Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa xubnaha golaha Wasiiradu ka dalbadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo gudbiyo siyaasadda lagu maaraynayo barakacayaasha iyo dadka dib uga soo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

 —DHAMMAAD—

 

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online