Hogaanka Cusub Ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Karkaar oo Xilka La wareegay.[Masawiro]

September 7, 2017 - Written by Editor

Qardho:-Xaflada xilwareejinta maamulkii hore ee Al-minhaaj Qardho ayaa xalay ka dhacday hoolka shirarka ee hotel gufure xafladaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka gobolka Karkaar, maamulka waxbarashada degmada qardho, maamulka degmada qardho,culimo, aqoonyahan, maamulka Al-minhaaj heerarkiisa kala duwan sida shuurada qardho,maamulkii hore ee qardho, maamulka Al-minhaaj ee gobolka iyo puntland ba.

Xafladu intii ay socotay ayaa shiikh xasan muuse nuux wuxuu soo bandhigay waxqabadkii u qabsoomay intuu xilka joogay kaas oo ahaa waxqabad hal abuur lahaa iyo Shaqooyin waaweyn oo lataaban karo mudadaasi yar waxaa kaloo uu goobta ku wareejiay hab raaci shaqada oo ay waheliyaan waxqabadkii mudadaasi asagoo shahaadooyin dhiiri gelin ah gudoonsiiyay dadkii shaqada la qabtay kuwii ugu shaqada badnaa ee loo aqoonsaday madaalayaal.

Intaasi ka gadaal ayaa waxaa kalmado kala duwan jeediyay masuuliyiintii madasha kasoo qayb gashay , ayadoo uu gudoomiyaha cusub Sh.Maxamuud Ciise Shire Ayaa dadka Xaflada kasoo qayb galayy kacodsaday in ay garba uwada noqdaan taasna lagu gudan karo Shaqada loo igmaday .

Waxaa Xusid Mudan In Gudoomiyaha Cusub Uu Kamid ahaa maamulkii hore ee xasan lasoo shaqayay, isla markaas ah maamulka machadka khadiija ee qardho Waxaana lafilayaa in uu La’imaan doono Dardar Cusub Taas oo suurtagalin doonta insha Allah sidii loo gaarilahaa Himilada Al-Minhaaj Guud Iyo Gaar Ahaan Gobolka Karkaar.

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online