Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo beeniyey in xilka laga qaaday[Dhagayso]

September 27, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Xubnaha ka tirsan Xildhibaannad Maamulka Gal-Mudug ayaa waxaa ay ku shireen Hotel ku yaalla magaaladan oo la yiraahdo Hotel Mansuur waxaan kulanka yimid 55 Xildhibaan dood ka dib waxaa oglaaday in xilka Madaxweyne xaaf xilka laga qaado 52 xildhibaan.

Ugu danbayntii ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo xabsi guri ku ah madaxtooyada Gal-Mudug ee Cadaado waxaa uu soo saaray War Saxaafadeed uu ku faahfaahiyey qaabka xilka looga qaaday weynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Hoos ka Akhriso warsaxaafeed uu soo saaray gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir  uu ku taageerat xilkii laga qaday Madaxweynaha Gal-Mudug

Dhinac kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaadista lagu sameeyey ku tilmaamay mid been ah isagoona eed u soo jeediye Madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka wuxuun ku eedeeyey in ay doonayaan in ay dumiyaan maamulka Gal-Mudug siddii ay horay u dumiyeen Maamulka Hirshabeele oo xilka ay ka xayuubiyeen Madaxweynihii ee Hirsahbeele Cali Cabdullaahi Cosoble.

Hoos ka Dhagayso waraysiga lala yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf 

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online