Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka

September 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalka. Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada.”

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online