Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Qaabilay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingriiska Ee Soomaaliya.[Masawiro]

September 11, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixajiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 11 September 2017  qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska (Britain) ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge.Kulanka ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey  masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda dawladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sheegay kulanka kadib inay ka wadda hadleen arrimo ay kamid ahaayeen ammaanka, nabad gelyada, doorashada Puntland, iyo arrimo kale oo muhiima.

Sidoo kale Waxa uu sheegay kusimaha Madaxweynuhu inay si qoto dheer uga hadleen arrinta abaaraha, taas oo uu xusay in ay kala hadleen kuxigeenka safiirka Ingiriiska iyo weftiga ay hogaaminayso qodaalka ceel-biyoodyo lagaga gaashaanto abaarta iyo sidoo kale in ceelashaasi lagaga faa’iidaysan doono ku dhiirashada falashada beeraha.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tilmaamay inay ka wada hadleen kalluumaysiga Puntland, waxaana uu tibaaxay kusimaha Madaxweynuhu inay arrintaasi isku afgarteen wax ka qabashadeeda, isla mar’ahaantaana waxa uu cadeeyey Madaxweyne Camey in  ay dhammaan arrimaha ay ka wadda hadleen ka ahaayeen isku mawqif ama isku hadaf dhowaana ay hirgelidoonto bar-bilawgoodu.

Safiir Ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo wax ka qabashada dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay kawada hadleen Madaxweyne Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta ku wehelinayey kulanka, taasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha Amaanka, abaarta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysey ay Puntland  timaado safiir ku-xigeenka safaadda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay  Madaxweyne Ku-xigeenku inay sheegtay inay aad ugu qanacsan tahay imaanshaha ugaha dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND .

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
« Aug   Oct »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online