Mu’asasada Al-minhaaj Gobolka Nugaal oo safar dacwo ku tegay Degmada Eyl.

September 14, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Safarkaan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Golaha Fulin Sh Maxamed Siciid Xassan Isla markaana ay ku weheliyeen Sh. Baladka degmada Eyl Sh Jaamac Axmed Maxamud oo ah Sheekha ka wada dacwada isla markaan akhriya Kutub kale duwan xalaqaadkiisana ay ku xiran yihiin shacabku, Safarka culimadu ku aadeen degmada Eyl ayaa waxaa ku weheliyey mid ka mid ah Aqoonyahanka Soomaaliyeed Islamarkaana ah Bare Jaamacada Bariga Afrika Sh Ismacill Cabdullahi , Madaxa Warbaahinta ahna Xoghaynta Mu’asasada Al-minhaaj Gobolka Nugaal Wariye Nuur Jaamac Aadan, iyo Madaxa Xafiiska Dacwada Sh Yusuf Sh. Maxamed.

Intii ay Culimadu ku sugnaayeen degmada Taarikhiga ah eeEyl ayaa waxaa ay kulamo wacyi gelin ah ka jeediyeen Hoolka Degmada Eyl oo ay ku kul meen Gudoomiyayaasha Degmooyinka Nugaal Iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ,Xildhibaano waxaana Culimadu siiyeen dardaaran dhinacyo badan Taabanayey iyadoo Culimadu ku adkaysay Ilaalinta Ma’s uuliyada weyn ee ay hayaan bulshada.

Waxaa kale oo Culimadu Kalmado Wacyigalin ah kajeedsheen Masjidka Jaamaca ah iyo dhamaan qaybaha waxbarashada iyagoo ugu danbayntii tegay Badey waxayna Masjidka Iyo Machadka ku yaal ay kajeedsheen Muxaadaraad ka hadlaya Qabriga Iyo Geerida taas oo Bulshada si aad ah u saamaysay.

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online