Qarax lagu weeraray goob Makhaayad ah oo u dhow Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho

September 11, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Gaari laga soo xiray walxaha qarxa ayaa lagu weeraray goob laga cabo shaaha oo lagu Magacaabo Xadra-mindi kuna dhagan Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho oo ku yaal wadada ugu mashquulka badan ee Maka Al-mukarama. Goobta qarax uu ka dhacay oo ay ku sugnaayeen dad fara badan ayaa la soo sheegayaa in jiro khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac walow aan weli si rasmi ah loo shaacin inta uu le’eg yahay khasaaruhu.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa tegay gobta qaraxu ka dhacay waxaan ay ka soo qaadeen dad qaba dhaawacyo kale duwan iyo kuwa dhintayna. Majirto weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir walow Saraakiil ka tirsan Ciidanku ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay.

Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo faahfaahin doonaa insha Allaah

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online