Ra’iisul wasaaraha DFS Xassan Cali Kheyre Wafdi Uu Hogaaminayo oo caawa lagu Soo Dhaweeyey Muqdisho.[Masawiro]

September 28, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib, socdaal uu ku tagey dalka Mareykanka oo uga qeyb galay Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey. Waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dawladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shaqo adag oo ay qabatay Xukuumaddu, ka dib, lagu guuleystay in xili habeen ah ay ka soo dagaan diyaaraduhu Garoonka Muqdisho. Wuxuna xusay in la sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho, kuwa dhaawaca ahna Eebe uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah. Isagoo uga baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto dhibaatada ay kooxaha argagixsadu ku hayaan shacabkeena.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday bulsho weynta Soomaaliyeed in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wixii dhib jirana lagu dhameeyo wada xaajood iyo in la eego dadka guud ee Soomaaliya.

—DHAMMAAD—- 

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online