Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo la kulmay Danjiraha Denmark u fadhiya Soomaaliya.[Masawiro]

September 12, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed. “Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

—— DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online