Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo.[Masawiro]

September 6, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan iyada oo ka soo gudabtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

—–DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online