Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay[Masawiro]

September 21, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo seddexdii bilba mar la qabto, shirkan oo ay soo qabanqabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee D/Goboleedyada. Shirkan oo socon doona labo maalin ayaa ujeedadiisu tahay sidii Wasiirada uga arinsan la haayeen Shir-weynaha Qaran ee Arrimaha Dastuurka ee bisha Oktoobar Muqdisho ka furmi doono.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shirka furay ayaa uga mahadcelyay D/Goboleedyada sida ay uga soo qaybgaleen kulanka. “Masuuliyad wayn ayaa na saran, waxaan ku faraxsanahay oo aan rajeynayaa in anaga oo aysan dad ajnabi ah nagu dhex jirin sida shirkeenan maanta oo kale aan hawlaheena qabsano oo wada shaqeynteenna xoojinno; waan idinkaga mahacelinayaa ka soo qaybgalkiina waxana kawada hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayn hawlaha soo socda oo uu ugu horeeyo Shir-weynaha Qaran” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay faa’idada Madashan seddexdii bilba mar la qaban doono ayuu yiri “Waxaad ogtihii in shirkii sedex bil ka hor ee Wasiirada D/Goboleedyada aan la yeelannay qodobadii ka soo baxay ay kamid ahayd in Madashan la aas-aaso oo boqolkii maalinba mar ay qabsoonto, Ujeedada ka dambaysay waa in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka aan tusno in loo mideysanyahay dib-u-eegista Dastuurka”.

Dhanka kale, Wasiirada D/Goboleedyada oo shirka ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay boqolkii maalin ee la soo dhaafay, sidoo kale waxa ay Wasaaradda uga mahadceliyeen qaban-qaabada shirka madasha.Gabagabadii, shirkan ayaa beri soo xirmi doono waxaana ka soo bixi doona War-murtiyeed.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online