Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka UAE ee Soomaaliy.[Masawiro]

September 14, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya H.E. Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.

Kulanka oo ku idlaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Carabta Mr. Mustafa Adam Dagaal iyo kaaliyaha gaarka ah ee xafiiska Wasiirka.

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

 

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online