Banaanbax galabta ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeedo Gumaadkii ka dhacay Zoobe (Masawiro)

October 15, 2017 - Written by Editor

Waxaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax looga soo horjeedo gumaadkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Zoope waxaana qaraxa ku dhintay in ka badan 240 qof halka dhaawaca uu dhaafay 300 qof. Dadweynaha banaanbaxa sameynayey ayaa waxay u badnaayeen dhalinyaro iyo dumar waxayna socdka ka soo bilaabeen Taalada Daljirka Dahsoon gelinkii dambe ee maanta waxayna ay socod ku yimaadeen Garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Studium ee degmada C/Casiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo khudbad dheer u jeediyay dadkii banaanbaxa dhigaayay wuxuuna shacabka ugu baaqay in si wadajir ah loo caawiyo dadka dhaawaca ah ee buux dhaafiyey Isbitaalada magaalada Muqdisho .Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa codsi u diray shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay in muuqaalada iyo Masawirada laga daayo baraha bulshada ku wada xiriirto.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online