Ciidanka Amniga Puntland (PSF)iyo kuwa PMPF oo howl galo ka fuliyey Buuraha Calmadow.[Masawiro]

October 28, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) iyo Ciidanka badda Puntland oo howl gal ka fuliyey si wada jir ah Buuraha Calmadow ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen 5 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Ciidamadaan PSF iyo kuwa PMPF oo is garabsanaya ayaa saaka waxaa ay howl gal ka fuliyeen deegaanka Dolqooxle oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Sanaag waxaan Sarkaal u hadaly ciidanka howl gal fuliyey uu u sheegay saxaafadda in ay burburiyeen Saldhiga ay ciidanka Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Dolqooxle.

Sarkaalka u hadlay Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howl galka ay ka fuliyeen deegaanka Dolqooxle oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Sanaag ay ka gaareen guulo waaweyn ayna sii wadi doonaa ilaa inta xoogga Al-shabaab ay ku jiraan Buuraha Calmadow.

Ma ah markii ugu horaysay oo dagaalo fool ka fol ah ay ku dhexmaraan deegaano ka tirsan Buuraha Calmodow ciidanka Puntland iyo ururka Al-shabaab waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay hawlgallo ka dhan Al Shabaab iyo Daacish ka wadeen gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Tasjiic iyo Geesoqabad ee gobolka Bari, iyagoona dadweynaha kula hadlay deegaanadaas waxaan ay ku booriyen in gacan iyo xogba la siiyo ciidamada PSF iyo kuwa PMPF ee Puntland

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online