Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay deegaanka Baalow

October 22, 2017 - Written by Editor

Balcad:-Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday deegaanka Daniga Baalow oo galbeed ka xiga Balcad.

Miinada ayaa waxaa wadada galiyey kooxda Al-Shabaab waxaana ay la kacday gaarigii caasiga ahaa waxaana ilaa haatan ku dhintay 11 qof halka dhaawac kale uu jiro.

Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in Khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee ay la kacday gaariga rakaabka ah uu sii kordhay halka qaraxa ka dhacay uma dhawa rugo caafimaad

Tana iyo bilawgii sanadkan 217 waxaa ay magaalada Muqdisho kooxda Al-Shabaab ka geysteen in ka badan 20 qarax waxaana qaraxyadaas ku dhintay shacab aan ka yareyn 500 qof.

Qaraxii ugu danbeeyey ee Isgoyska Soobe ee 14kii Oktoobar kaliya waxay Al-Shabaab xasuuqeen oo qaraxaas ku dhintay 358 halka dhaawaca uu gaarayo in ka badan 400 qof.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online