Faahfaahin Khasaarihii Qaraxii Shalay ee Isgoyska Zope oo sii kordhay (Daawo)

October 15, 2017 - Written by Editor

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ayaa sheegaya in uu kordhay khasaarahii qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zope .

Dhimashada ilaa iyo haatan waxay mareysaa 250 qof oo dhamaantood gubtay 130 ka mid ah dadka waaba la aqoonsan waayey ,Dhaawaca waa uu kordhayaa saacad walba ilaa haatan wuxuu marayaa 290 qof oo ay 50 qof ay aad garaabo u yihiin .

Waxaa sidoo kale jira dad badan oo la geeyey Isbitaalada kale oo aan ilaa haatan tiradooda la aqoonsan waxaa ilaa haatan jira dad laga soo gurayo guryaha iyo Hotelada uu qaraxu baa,biyey .

Halgan.net oo wakiilkeeda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax meesha ka dhacay aan la qiyaasi karin wuxuuna galabta soo maray dhamaan goobihii qarax uu ka dhacay oo aad moodo in Niyuuk leer lagu qarxiyey dadka shacabka ah ee Muslinka ah.

Madaxweynaha DFS Maxamed Claahi farmaajo ayaa saaka booqday goobtii uu Shalay ka dhacay Qaraxii lagu hoobtay Ee Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho isaga shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in shacabka la gumaaday ay u gurmadaan.

Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale waxaa uu booqday Isbitaalada la dhigay dhaawacyada ugu badan,isagoo halkaas dhiig ugu shubay dadka dhaawacyada ah ee aadka u dhiig baxay.

Dhanka kale Raisulwasaaraha DFS -Xasan Cali Kheyrre ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Dadkii ku dhamaaday Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo ay shacab badan ku hoobteen.

Kooxda Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay qarax ka danbeyso ayaa aamusan xili ay shacabka Soomaaliyeed aad uga xumaadeen Xasuuqa maalin walba Al-Shabaab ku gumaadayaan shacabka Soomaalieed ee muslinka ah.

C/Casiis Maxamed
Halgan.ney

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online