Kooxda Al-Shabaab oo galabta Qaraxyo kale ku laayey shacabka magaalada Muqdisho

October 28, 2017 - Written by Editor

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta laba qarax oo is xiga ay ka kala dhaceen Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne iyo weliba agagaarka Taalada Daljirka-Dahsoon.

Weerarka Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne ayaa waxaa loo isticmaalay gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa waxaana ilaa haatan inta la xaqiijiyey ku dhintay in ka badan 10 qof oo rayid ah waxaana jira dhaawacyo intaas ka badan .Wararka qaar ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay Gudaha u galeen Hotelka Naasa-hablood rasaasna ay socoto gudaha Hotelka

Qaraxa labaad ayaa waxaa isna uu ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka-Dahsoon ilaa haatan lama oga Khasaaraha uu geystay qaraxa labaad. Xili shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen gurmadka dadkii ay Eheladooda ku xasuuqeen kooxda Al-Shabaab  Isgoyska Soobe ayey maanta ka geysteen qaraxyo kale oo ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online