Maamulka S/land iyo Khaatumo oo heshiis ku gaaray Caynaba (Masawiro)

October 21, 2017 - Written by Editor

Ceynabo:-Maamulada S/land iyo Khaatuma ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan Mideynta labada maamul waxaana uu Heshiiskooda ka dhacay magaalada Ceynabo. Labada Madaxweynaha Somaliland iyo Khaatuma ayaa waxaa ay kala saxiixdeen qodobo dhowr ah waxaana ugu muhiimsanaa in dastuurka Somaliland la furo si loo siiyo Khaatuma u hesho qeybta ay ku leedahay Somaliland.Waxaa uu sidoo kale ka mid ah in si weyn loo adkeeyo lagana shaqeeyo madaxbanaanida Somaliland.

Heshiiska ka dib ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire waxaana ka mid ah Qodobada ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne:-

1- In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.

2- in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.

3- in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.

4- in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.

5- In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.

6- In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

7- In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.

Dhanka kale Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska lagu kala saxeexday caynaba, wuxuuna eedeyn kulul u soo jeediya Maamulka Puntland wuxuuna u sheegay in deegaanada Khaatumo ay duulaan ku tahay wuxuuna ka codsaday S/land in ay kula duusho Puntland si heshiiska loo aamino.

Hoos ka Daawo Heshiiska Maamulka S/land iyo Maamulka Khaatumo iyo eedeyntii Prof Cali Galeydh u jeediyey Puntland kana codsaday S/land in ay kula duulaan Puntland

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online