Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wefti uu hogaaminayo oo safar ugu Ambabaxay Muqdisho.[Masawiro]

October 28, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Maxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28 october 2017 safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha iyo weftgiisa ayaa kahor intaanay ka anbabixin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Kanooko ayaa waxaa kusii sagootiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo madax katirsan golayaasha dawladda Puntland, saraakiiisha ciidamada iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa magaalada Muqdisho u anbabaxay kadib markii uu marti qaad rasmi ah kahelay Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ee Soomaliya Madaxwayne Farmaaajo, waxaana madaxwaynaha Dawladda Puntland safarkiisa kuwehelinayey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil katisan Madaxtooyada Dawladda Puntland .

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed ali Gaas oo kahor inta aanu anbabixin warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ayaa isaga oo kawarbixinaya safarkiisa maanta uu ugu anbabaxay Muqdisho waxaa uu yiri

”Waxaan maanta u anbabaxayaa Magaalada Muqdisho, Xamar oo aan kaga qayb gelayno shir ay isugu imanayaan Madaxda Federaalka iyo madaxda Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo lagaga hadlayo arimo kusaabsan Nabadgelyada, Amniga iyo Wada shaqaynta, shirkani waa shirkii uu kubaaqay Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaan rajaynayaa inshaa alaahu in shirkaasi guul kusoo dhammaado Afgarad, wanaag, horumar iyo wadajir Soomaaliyeedna uu kasoo baxo” 

 

Ugu danbayn, Madaxwaynaha Dawladda Puntland DR. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahan fooda inaku soo haya kusugnaan doona magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono shirka wadatashiga Madaxda Qaranka, shirkaas oo Madaxwaynaha Dawladda Federaalka soomaliya uu Gogoshiisa dhigay dhammaana ay kasoo qaybgeli doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online