Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Safaaradda Turkiga Muqdisho Kaga qayb Galay Dabaal degga Maalinta Xuriyaddooda.[Masawiro]

October 29, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 29 October 2017 safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xafladda lagu maamuusayey maalinta xuriyadda dalkaasi oo ay kasoo wareegtey 94 sano kadib markii ay qateen xuriyaddooda October 29 1923-dii.

Xuska xafladda sanadguurada 94-aad ee dalka Turkiga ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Axmed, Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo marti sharaf kale.

Munaasibadda Xafladda lagu maamuusayey maalinta xuriyadda dalka Turkiga ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana uu shacabka iyo dawladda Turkiga ugu hambalyeeyey sanad guurada 94-aad ee dalkaasi, isla markaana waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdooduba ugu mahad naqayaan dawladda Turkiga garab istaaga ay markasta garab taagan yihiin, gaar ahaan wakhtiyada adag, isagoona xusay in Turkiga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo walaalo ah.

Safiirka Dalka Turkiga Mr. Oglan Bekar ayaa dhankiisa uga mahadnaqay Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ee kasoo qayb galka xafladdani lagu maamuusayey sanadguurada 94-aad ee dalkaasi Turkiga, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dadkii ku wax yeeloobey qaraxii maalinimadii shalay 28 October 2017 cadawgoodu ku waxyeeleeyay, isagoona cadeeyey in dalka Turkiga iyo DFS iska kaashan doonaan wax kasta oo lagu horumarinayo xidhiidhka labada dal.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online