Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

October 30, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online