Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo furay kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiilada dawadda Puntland.[Masawiro]

October 25, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha ayaa waxaa Furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiilada dawadda Puntland kala qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabullaahi, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, , xubno ka socdey beesha caalamka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Isimo, nabadoono waxgarad, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo khubadiisa dastuuriga ahka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland ayaa waxa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka dawladda ee u qabsoomay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi ee sanadkan 2017.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa ay ka gaadhey arrimaha amaanka waxaana uu yidhi Madaxweynuhu.

“Mudanayaal, sida aan wada ogsoonahay guud ahaan xaaladda Amni ee Puntland ee Bilaha Luulyo, Agoosto iyo Sibteembar 2017-ku waa wanaagsanayd, waana deganayd; Hase yeeshee maaddaama ay Punland ka mid tahay dalweynaha Soomaaliya, waxaa marar badan ka dhacay falal fulaynimo iyo gaadmo ah oo ay geysteen kooxaha argaggixisada ah (Alshabaab iyo Daacish) iyo huwantooda, waxaana ka mid ah qaraxyadii la-qabtay, Dagaalkii Af-ururiyo mirtii Kontroroolka Boosaaso” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Mudanyaal, Waxay Dawladdu amartay in hay’adaha amnigu adkeeyaan ilaalinta xeebaha Puntland, taasoo suuro galisey in 23/09/2017 la qabto dooni siddey hub, waxayna Dawladdu fartay laamaha amniga hubinta iyo baaridda gaadiidka soo galaya xuduudaha dalka” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Waxay Dawladdu keentay Shaybaar lagu baarayo dhiiga iyo unugyadiisa (DNA) laguna rakibay caasimadda Puntland ee Garowe, wuxuuna Ciidammada CID-da ka caawin doonaa danbi-baarista iyo sugidda xogta danbiilayaasha” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxayna ciidammada Puntland hadda ku wajahan yihiin aagagga ay Argaggixisadu kaga sugan yihiin buuraleyda, si looga nadiifiyo meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ku guulaysatey Mashruuca RCRF kaas oo u jeedkiisu yahay tayanta shaqaalaha dawladda oo bangiga aduunku ka caawinayo Puntland.

“Waxaa lagu guuleystay Mashruuca RCRF-II ee uu naga caawiyay Bangiga Aduunku in uu bixiyo sanadkaan laga bilaabo January 2017 ila iyo September lacag dhan $ 671,912.50 oo lagu bixinyay mushaarka 75 shaqaale Dawladeed oo laga shaqaaleysiiyay Ha’adaha Dawlada” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Sidoo kale Wasaaraddu waxay ku guuleysatay Mashruuca RCRF-II in uu bixiyo mushahaaraadka macalimiinta Wasaaradda waxbarashada lacag dhan $ 387,391.21. Waxaana bixinay mushahaaraadka macalimiin gaaraysa 2,117 oo kala jooga sagaalka gobol ee Puntlandwaxayna Wasaaraddu kabtay mushahaarkooda 20%, oo gaaraysa lacag kor u dhaafaysa $100,000” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay wax yaabihjii xukuumadda dawladda Puntland u qabsoomay muddadii u dhexaysey kalfadhiga ee 39-aad iyo kan 40-aad , waxaana ka mid ahaa arrimaha Shaqada, Shaqaalaha iyo Ciyaaraha, Arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Kaluumeysiga Puntland, Ganacsiga, Garoomada Puntland, Hawlaha Guud iyo Waddooyinka, Arrimaha Gudaha, Barakacayaasha, Xaaladda Roob Yaridda iyo Abaaraha, Arrimaha Maaliyadda, Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Beeraha, Qorshaynta, Arrimaha Haweenka, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Arrimaha Haweenka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyoWadada Garowe – Gaalkacyo,

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna kusimaha Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabullaahi iyo dhammaan masuuliyiinta kale ee ka hadashay furitaanka kalfadhiga ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedhay nidaamka dawliga ah oo hagaaga, iyagoona xusay in Puntland tahay hormuud ka maanta Soomaaliya lagaga dayan karo wax kasta oo horumara.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland waxaana uu Guddomiyuhu xooga ku saaray khudbddiisa arrimo la xidhiida dastuurka Soomaaliya iyo wax qabadkii Golaha Fulinta Puntland u qabsoomay muddadii u dhexeysey labada kalfadhi.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online