Madaxweynaha Galmudug oo diiday Go,aanka Maxkamadda Sare ee Galmudug

October 3, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay go’aankii Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ay ku sheegtay in sharci ay yihiin dhammaan go’aanadii xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay xilka kaga qaadeen madaxada Galmudug .

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ayaa sheegay in dhamaan ay sharci tahay xilalka laga qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) 26-September iyo xil ka qaadistii 30-kii September Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Go,aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali ayaa waxaa si adag uga hor yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) wuxuuna sheegay in Maamulka Galmudug uusan yeelan Maxkamadda Sare .

Khilaafka u dhexeeya Madaxda Galmudug ayaa gaaray halkii ugu xumaa waxaan wili socda waan waan ay wadaan waxgaradka Galmudug kaas oo la rabo in lagu xaliyo Khilaafka Galmudug.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online