Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda (Masawiro)

October 22, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo hal maalin ah ugu amba baxay dalka Uganda, si uu dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni ugala hadlo in ay taageero ka gaystaan dagaal lagaga sifaynayo dalka argagixisada Alshabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral C/wali Jaamac Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha iyo muhiimadda uu u leeyahay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.

Jeneral Cabdi Wali Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu hordhigi doono Madaxda uu la kulmaayo khatarta iyo dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaasna uu ka codsandoono in ay garab ku siiyaan Ciidanka Soomaaliyeed dagaalka ay dalka kaga sifaynayaan cadowgaan.

“Safarkani waxa uu ku soo beegmey xilli Soomaaliya ay u baahantahay in garab muuqda ay u hesho dagaalka lagu dabargooynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu waxa uu la wadaagidoonaa Madaxda uu la kulmaayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen Alshabaab, gaar ahaan intii ka dambeysay qaraxii Soobe.” Ayuu yiri Jeneraal Cabdi Wali .

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safarro shaqo kusoo mari-doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taakuleeya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona Madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Argagixisadu.

 

Xigasho SONNA

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online