Madaxweynaha Puntland oo Kulan aan caadi ahayn La qaatay Golaha Wasiirada Puntland.[Masawiro]

October 17, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 October 2017 kulan aan caadi ahayn la qaatay golaha wasiirada Puntland, kulankaas oo looga arrinsanayey qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 14 october 2017 iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka gadaal shirkaasi warbaahinta la hadlay ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen dhammaan dadkii ku nafwaayey qaraxaasi, waxaana Madaxweynuhu uu Alle uga baryey inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo samir iyo iimaana Alle kasiiyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

“Waxaa maanta halkan isugu yimid shir aan caadi ahay Golaha Wasiirrada Dawladda Puntland, kulankaas oo lagaga hadlaayey musiibadii qaran ee ka dhacday magaalada Xamar, hore ayaan tacsi uga dirnay arrintaas iyada ah, marlabaad ayaan u tacsiyadaynaynaa eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii dadkii geeriyoodey, Illahay haw naxariisto gacan ka xaqdaran baa dishey, inta dhaawacan Illahay haw booga dayo”

“Runtii waxa Xamar ka dhacay ma ahayn wax caadiya, dhib weyn ayaa ka dhacday, dhib culus oo Soomaaliya aan hore uga dhicin ayaa ka dhacday, taasi markaa waxay nafaraysaa guud ahaan Soomaali oo dhan meel kastaan joognoba in arrintaasi nagu xoojiso in aanu furno indhaha, in aanu Soomaali hadaan nahay cadawgaas u soo dhaansaday inay Soomaali laayaan, inay dadka xasuuqaan in aanu meel uga soo wada jeedsano majirto cid gaar ah oo ay si gaara u hagardaamaynayaan, ma jirto cidgaaara oo ay si gaara ugu naxariisanayaan cadaw Soomaaliyeed weeye, Cadawga Islaamka weeye” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba diyaar u yihiin inay si mugle uga qayb qaataan taageerada walaalahood ee ay dhibtu gaadhey, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa cadeeyey in shirka aan caadiga ahay ee maanta ay yeesheen golaha wasiirrada dawladda Puntland ay kasoo baxday in si deg dega maalinimada berito ay u baxaan gurmadkii u horeyey oo ka kooban daawooyin, dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad.

“dadka reer Puntland si mugle ayey uga qayb gelayaan taageerada walaalahood ee ay dhibtu gaartey, shirkii golaha wasiirradana ee maantana wax yaabihii kasoo baxay ee ugu muhiim sanaa waxay ahayd in si deg dega maalinta berito haddii Illahay yiraahdo ay u baxaan gargaarkii ugu horeeyey oo ka kooban daawooyin, dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad si deg deg ah uga hawlgala arinta dadkaas waxyeeladu soo gaartey” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Dhiaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in gudi loo xilsaaray isku dubbarididada, abaabulka iyo isku xirka gurmadka loo fidinaayo shacabka walaalaheen ah ee ku waxyeeloobey qaraxii ka dhacay Muqdisho.

” Sidoo kale waxaanu magacawnay guddi ka kooban Golaha Wasiirrada Puntland oo ay hormuud u yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dekeddaha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda caddaaladda oo hawshaas iyagu hormuud ka noqon doona isku dubbarididda, abaabulka iyo isku xidhka gurmadka walaalaheen” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ku booriyey, kulana dardaarmay inay meel uga soo wada jeestaan gurmadka loo fidinaayo shacabka walaalahooda ee dhibaatadu soo gaartay, isla markaana ay ciroole iyo dhallinyaroba loo istaago arrintaasi qaran.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online