Madaxweynaha Puntland oo qado sharaf u sameeyey guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.[Masawiro]

October 25, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 October 2017 qado sharaf u sameeyey guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Guddoonka wehelinayseyba. Munaasibadda qado sharafta oo ka dhacday Hido Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Qunsulka dalka Ethiopia u fadhiya dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo kahadlay munaasibaddaasi ayaa sheegay in dawladda Puntland sharaf iyo wanaag u tahay soo dhoweynta iyo qado sharafta ay u sameeyeen guddoonka Baarlamaanka DFS iyo masuuliyinta wehelinayseyba, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in dadka Soomaaliyeed yihiin dad walaalo ah oo is jecel oo leh dhaqan marti-soor iyo mid diinba.

“Sharaf weyn bay noo tahay aniga iyo dawladdayaduba inaad noo timaadaan, inaan meeshan maanta ku wada qadaynona runtii waxay ii tahay sharaf iyo wanaag badan, waxaan aamin sanahay dadka Soomaaliyeed waa dad mid ah walaalo ah oo is jecel, waxaanu leenahay dhaqan wanaagsan, waxaanu leenahay Diin wanagsan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Waxaan dhegeystey maalin gabadh caddaan ah oo af English ku heesta, waxaa la waydiiyey Soomaalida dhaqanka ugu wanaagsan oo aad ka baratay maxay tahay? waxay tiri dhaqanka ugu wanaagsan ee aan Soomaali ka bartay waa deeqsinimo hal sano ayaad ku dhex noolaanaysaa adigoon lacag la’aan ah oo aan waxba haysanin, waxaa iyana lawaydiiyey dhaqanka ugu xun oo aad ka baratayna maxay tahay? waxay tiri waa xanta oo aanay kaa qarsanayn” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Aqalka heese ee DFS uu metelo shacabka Soomaaliyeed, kan Aqalka Sarena uu metelo dawladdaha xubnaha ka ah DFS, waxaana u sheegay Madaxweynuhu in loo baahan yahay si dawladdnimadu u gaamurto in la qaado dariiqii saxda ah ee lagu heli lahaa Soomaali mida, Soomaali Qurux badan, taasna waxaa aasaas u ah wada shaqayn joogta ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland diyaar u tahay wada shaqayn dhaba oo ay la yeelato DFS, isla markaana ay markasta la jeceshahay dawladdeeda Fadaraalka Soomaaliya wax kasta oo wanaag ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa tilmaamay in wax lagu faano ay tahay horumarka Puntland ka gaadhay Fadaraaliisamka, waxaana uu ka mahadnaqay soo dhoweynta shacabka reer Puntland iyo dawladdooduba ula-heelanaayeen tan iyo maalintay yimaadeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey.

” Maanta waxaan aan aad ugu farxay oo aan rabo inaan ku dhiiri geliyo dawlad goboleedyada kalena, kalfadhi la furayo Madaxweynihii dawladdu joogo oo uu ka hadlaayo wixii hawl ahaa ee u qabsoomay uu ku wargelinaayo golihiisii Wakiillada waa arrin i dhiiri gelisey oo aadna an ugu bogey oo fadaraaliisamku inuu hore u soconaayo mustaqbalna leeyahay aan ogaadey waana u hambalyay nayaa Puntland talaabada wanaagsan ee ay qaadayso Mudane. Madaxweyne adiga waxaan kaarabaa inaad u sheegto Madaxweyne yaasha kale ee dalka sidaa aad u shaqaynayso anaguna waxaan u sheegi doonaa goloyaasha shacbiga iyo dhawladda dhexeba” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Baarlamaanka Puntland, Baarlamaanka DFS iyo xildhibaanada Aqalka Sare DFS inay yeeshaan wada shaqayn dhaw oo lagu horumarinaayo dastuurka DFS.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online