Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiiro cusub [Masawiro]

October 3, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaareysa Xiriirka labada Dal.

Danjireyaasha Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare ee Dowladahaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku guuleysatay Sugida amaanka Caasimada Dalka ee Muqdisho waxaa soo kordhayey Wadamada Caalamka ee Safiirada usoo dirsanaya Dalka, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay yeelatay Waji cusub oo dhanka Horumarka iyo Dowlad wanaagga ah.

——–DHAMAAD———

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online