Madaxweyne Farmaajo” waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”[Masawiro]

October 15, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda uu le egtahay khasaaraha iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, waddadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah aan uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online