Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso oo habeenkii 3aad lagu qabtay Olole loogu gurmanayo Shacabkii lagu laayey Is goyska Zoobe.

October 19, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Culimo’ udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalaa Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa habeenkii 3aad ku qabtay masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso kulan loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Culimo’ udiinka Soomaaliyeed ayaa caawa mar kale ku booriyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan guud ahaan gaar ahaan reer Boosaaso in ay gurmadkooda walaalahood Soomaaliyeed ee lagu dhibaatayey magaalada Muqdisho.

Ololaha Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho ee ka socday magaalada Boosaaso oo caawa galay habeenkiisii 3aad, waxayna gaaraysay lacagta caawa lagu yaboohay 26,843$, waxaan lacagaha loo kala yaboohay sidda soo socota:-

1. Shirkada tawfiiq oo bixisay lacag dhan: 10,000$

2. Shirkada bulsho:4000$

3. Shaafici pharmacy:2000$

4. Al-macruuf. :2000$

5. Shirkada dhismaha ee bilkhayr:1000$

6. Oomaar spare parts: 1700$

7.Max’ud Maxamed Bare. $2000$

8. Rayaan :800$

9. Shirkada ilays :500$

10. C/naasir biixi:500$

11. Max’ed raan :500$

Intaas waa intii bixisay Lacagaha caawa ugu badnaa, dad badan ayaa bixiyay lacago kala duwan, oo intaas ka hoosaysa waxaana ugu yaraa hal doolar 01$, Waxaa kalimado baraarujin iyo wacdi ah ka jeediyey masjidka Rowda Sh Axmed cabdi semed, iyo Sh Maxamed calasow oo maalmahan booqasho ku joogay degaanada Puntland. Ololaha Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho, kana socday masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso, oo caawa galay habeenkiisii sedexaad , ayaa waxaa saddexdii habeen lagu yaboohay lacag dhan:-

1. Habeenkii 1aad: 120,000 $

2. Habeenkii 2aad: 92,000 $

3. Habeenkii 3aad:26,843$.

Wadarta guud lacagaha la yaboohay sadexda habeen : 238,843 $

Dhinac kale waxaa caawa lagu qabtay masjidka Al-hudaa ee Garoowe kulan logu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay Is gosyska Zoobe oo naf iyo hantiba ku beelay waxaan socda tabarucaad ay ka qayb qateen dadweynaha , xildhibaanada ,culimada iyo cuqaasha.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online