Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso oo lagu qabtay Olole loogu gurmanayo Shacabkii lagu laayey Is goyska Zoobe ee Muqdisho.[Masawiro]

October 17, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Culimad udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalaa Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa caawa ay ku qabteen masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso kulan loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Culimad udiinka Soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamay mid cadownimo ah oo aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta Islaamka waxaan ay cod dheer ku sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ee gacanta is qabsadaan ayna u midoobaan cadawgooda.

Kulanka caawa ka dhacay masjidka rowda ee loogu gurmanay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho ayaa culimadu waxay caawa oo ahayd habeenkii 1aad ee ololaha ku ururiyeen in ka badan $100,000 oo lagu taageerayo walaalahood dhibku ku dhacay. Ololaha Gurmadka caawa ayaa waxaa ka qayb qaatay shirkado, ganacsato, Maamulka Gobolka bari , Wasiiro, Jaamacadda bariga Afrika iyo weliba Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ololaha Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho oo caawa ka bilowday masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso, ayaa waxaa la aruuriyry lacag ka badan $100,000, sidan ayayna kala ahayd lacagaha lagu yaboohay:

1- Dahabshiil group :30,000$

2-Madaxweynaha puntland c/wali gaas: 10,000$

3- Shaqaalaha shirkada golis:10,000$

4- Xubno ka kooban wasiiro, gudoomiyaha gobolka Bari, gudoomiyaha degmada Boosaaso :10,000$ isku daray

5- Jaamacada bariga afrika: 5000$

6-Shirkada Al.fadli: 5000$

7- Shirkada Al.najaax: 5000$

Ololaha Gurmadka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanada Puntaldn oo dhan waxaan iadaacaddaha , Skuulada, goobaha ganacsiga ,jaamacaddaha , Macaahidda ,Jaamacaddaha ka socda lacag aruurin loo sameeyanayo walaalaheen Soomaaliyeed ee lagu laayey Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee jooga dalka Soomaaliya iyo weliba Jaaliyaadka dibada in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee dhibku gaaray.

Sh Daahir Aw-cabdi ayaa sidoo kale uga mahad celiyey dowladda Turkiga sidda muga leh e ay markiiba ugu soo gurmatay shacabka Soomaliyeed ee Muslinka ah ee lagu xasuuqay is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Lacagaha kale ee la bixiyay waxay u dhaxayeen 2000$ ilaa 01$. waxaan Habeen danbe halkaas ka sii socon doonaa Ololaha Gurmadka insha allaah ,Qofkii raba inuu ka qayb qaato gurmadkaas waxaad lacagta ku shubi kartaa Akoonada kala ah:

1- Amal bank: 1012173233

2- Salaam bank: 80267893

3- Dahabshiil: 103103200

4- Sahal: 6474242, a/c 475445

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online