Nadwo Cilmiyeed Caawa ka Bilaabatay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.(Daawo)

October 11, 2017 - Written by Editor

Burco:-Waxaa Caawa ka bilaawday magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer Nadwo cilmiyeed halku dhigeedu ahaa (Wada jir aynu u sumeyno Umadd Isku Duuban) waxaana Nadwada lagu qabtay Masaajidka Xaaji Cabdin Cawad (indha-deero).
Nadwada ayaa waxaa soo qabanqaabisey Mu’assasada Al-Karam ee Faafinta iyo kor u Qaadidda Dacwada Faraca Burco.
Nadwadani waxay socon doontaa Saddex Habeen, Habeenka khamiista ilaa habeenka Sabtida.
Nadwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay culumada kala ah .

1- Sheekh Maxamed Shukri Xasan
2-Sheekh Dr Feysal Maxamed Cali
3-Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame

Ilaahay mahaddii waxa caawa soo Jeediyey muxaadaradii koowaad Sh: Maxamed Shukri Xasan wuxuu sheekha ka hadlay Walaaltinimada Islaamka iyo wanaaga ay leedahay walaaltinimada.
Sheekh Maxamed ayaa mawduucaa aad ugu dheraadey isagooo tilmaamey xuquuqda ay isku leeyihin Muslimiintu iyo Qiimaha Walaaltinimada.
Sidoo kale Sheekhu wuxuu sheegey inay walaaltinimadu islaamku ay Daawo u tahay xasadka, cadaawadda, isneceyba, cayda iyo dhammaan falalka xun oo dhan.
Muxaadaradii Labaad waxaa soo jeediyey Sheekh Dr Faysal Maxamed Cali wuxuu ka hadlay Doorka iyo Kaalinta uu ammaanku ku leeyey Shareecada iyi Bulshada .

Sheekh Dr: Faysal oo ka mida Culimada Soomaaliyeed ee kasoo qalin jabiyey Jaamacadda Islaamiga ee Almadiina ayaa Sheegey in uu ammaanku qaali yahay, Diintuna aad u buurisey in la ilaashado ammaanka o cidii wax yeeleneysa layska qabto.
Sheekh Dr Feysal Maxamed Cali ayaa sheegey in ammaanka aynu haysanaa uu yahay mid cajiiba oo ay yartey cidda haysta ka aynu haysano oo kale, Taasina waxay u baahantey in ilaahay loogu mahad celiyo iyo, ilaahay ayaana inasiiyey.
Sheekh Dr Feysal Maxamed Cali ayaa intaa raaciyey inay Umaddu isku duubnaato o ay ammaankooda ilaashadaana Isla markaana baaq u direy Siyaasiinta iyo Saxaafadda Somaliland oo kula taliyey in Ilaahay ka Cabsadaan oo Dadka aan kaga ciyaarin Nabadgalyadooda.

Muxaadarada Xigta waa habayn Dambe waxaana Galay Sheekh Dr: Xasan Sheekh Cali Warsame.

Waxaad Si Live ah uga Daawo kartaa: Halgan.net.

Shahaabu diin
Burco
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online