Sheekh Cali Wajiiz oo ka badbaaday weerarkii shalay Al-shabaab la beegsadeen Hotel Naasahablood 2.[Video]

October 29, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Sh.Cali Maxamuud Xasan (Cali wajiiz) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka waramay qarax iyo weerar ay Al-shabaab shalay la beegsadeen Hotel Naasahablood 2 oo ay ku dhinteen 20 qof ayna ku dhaawac meen in ka badan 40 qof.Sh.Cali Maxamuud Xasan (Cali wajiiz) wuxuu sheegay in qaraxu dhacay isaga oo qolkiisa ku sugan ka dibna uu Sheekhu uu si deg deg ah uu qolkisa uu uga baxay una wareegay qayb kale oo Hotelka ka mid ah ka dibna uu qolkiisa soo xirtay uuna damiyey telefankiisii gacanta.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali wajiiz) ayaa waxaa uu talo saartay alle waxaan uu tukaday salaad arrintiisana waxaa uu u bandhigay Alle isagoo qolkiisa ku sugnaa mudo dhan 8 saacadood oo xubnihii ka tirsanaa Al-shabaab ee soo galay gudaha Hotelka ay dilayeen cid walba oo ay arkaan balse alle waa ka bad baadiyey Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali wajiiz) xili uu maqlayey codka dableyda Al-shabaab ee ku sugnaa meel aan ka fogayn.

Sh. Cali Maxamuud Xassan (Cali wajiiz) ayaa waxaa uu xusay in weerarki Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Naasahablood 2 uu ka bartay duruus waaweyn oo ay ka mid tahay in qof aysan tiisa gelin aysan cidna dili karin sidaas darteedna aan loo baahnayn in laga baqo ka hadalka fikriga Guracan ee Al-shabaab ee khilaafsan diinta Islaamka.

Sh. Cali Maxamuud Xassan (Cali wajiiz) ayaa ka sheekeeyey qaabka ay dadka u dilayeen haween iyo caruur ku suganaa Hotelka Naasahablood 2 waxaan uu Sheekhu ugu baaqay Madaxda dowladda Ferderfaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ka jira dalka in ay Alle ka baqaan oo ay ka fogaadan khilaafkooda ayna meel uga soo wada jeestaan ururka Al-shabaab.

Ma ah markii ugu horaysay oo culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ay ka badbaadan weeraro ay Al-shabaab ku qaadeen Hotellada ku yaal Muqdisho waxaan ka xusi karnaa weerarkii Al-shabaab la beegsadeen Hotel Saxafi waxaa waqtigaas ku jirey Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo Alle uu ka badbaadiyey weerarkaas.
Sidoo kale waxaa ay ururka Al-shabaab qarax ugu xiraan gaarigiisa gudoomiyaha culimada Soomaaliyeed Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad oo si yaab leh uga badbaaday qarax uuna ka soo gaaray dhaawacyo fudud.

Hoos ka Daawo Sh.Cali Wajiis “Muddo labo saac ayaan aniga iy Al Shabaab wada nool

Hoos ka Daawo Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in Al shabaab ay ka faaideystaan Khilaaf

Hoos ka Daawo Sh.Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay weerarkii shalay kuna baaq dagaal ka dhan ah Al-shabaab

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online