Shiicada oo aad ugu Faafaysa dalka Ivory Coast Warbixin iyo Xog Dheeraada (Dhageyso)

October 7, 2017 - Written by Editor

Wadanka Ivory Coast waxaa uu ku yaalaa galbeedka Afrika waxaana uu daris la yahay wadamada Ghana ,Liberia,République de Guinée,Mali ,iyo Burkina Faso .

Muslimiinta ku dhaqan Afrika Galbeed waxaa soo wajahday dhibaatooyin badan oo kala duwan kuwaas ay sababeen dagaalo siyaasadeysan waxaase haatan ugu darmay mid diineed oo ay ku soo qaaday wadanka Iran .

Iran ayaa waxaa ay ku guuleystay in ay Shiicayso Gobolo iyo dadweyne aad u badan oo Suni ahaa kuwaas oo ku dhaqan wadamada Senegal ,Nigeria,Liberia, iyo Ivory Coast iyo Tanzania waxaana ay dhamaan Muslimiintaas in badan oo ka mid ah ay uga faa,ideysatay Faqriga iyo Jahliga iyo aqoonta durugsan oo aysan u lahayn diinta Islaamka iyo khatarta Shiicada.

Halgan.net ayaa caawa idiin soo gudbin doonta warbixin kooban oo ku saabsan khatarta ay shiicada ku heyso Muslimiinta Suniga ah ee dalka Ivory Coast waxaana uu Radio Halgan la soo xiriiray Sheekh Doumbia Abdoulaziz oo ka mid ah Culumada Ahlu Suna Waljamaaca kana baxay Jaamacada Umu Qur,aa ee dalka Sacuudiga Carabiya isaga oo nooga warmay xaalada Muslimiinta dalka Ivory Coast iyo dhibaatada heysta.

Waxaa kale oo uu Sheekh Doumbia Abdoulaziz na soo gaarsiiyey Masawiro iyo Muuqaalo muujinaya sida Shiicada u faafinayso Madhabkooda baadilka ah halka Muslimiinta Suniga ay Hurdaan .

Sheekh Doumbia Abdoulaziz ayaa ugu baaqay dhamaan Muslimiinta in ay hiil iyo hoo ku soo taageeraan Muslimiinta Ivory Coast .Waxaana uu Sheekhu inoo sheegay in Jaamacado iyo Iskuulo Iran ka furatay Ivory Coast dowladana ay garab ku siinayso arinkaas.

Waxaa kale oo ay dowlada Iran u qaadaa Dhalinyarada Muslimiinta ah ee Ivory Coast wadamada Iran ,Lubnaan iyo Ciraaq si loo soo shiiceeyo.

Shiicada waxay sidoo kale si xoogan oo Khatar leh ugu faafeysaa dalka Tanzania iyaga bilaabay in ay tababartaan xili Muslimiinta Suniga lagu hayo Cadaadis waxaa kale oo Shiicadu ay wadaa dadaalo ay ka wado meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya iyaga oo isku ekeysiinaya Hay,ado samafal walow ay ku fashilmeen dhowr mar balse wili ma aysan joojin dadaalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta uu Radio Halgan Live Siiyey Sheekh Doumbia Abdoulaziz oo haatan ku sugan Ivory Coast.

Hoos ka daawo Sida Shiico ugu Faafeyso dalka Ivory Coast Maqal iyo Muuqaal.

 
Hoos ka Daawo tababarka Ciidanka Shiicada ee dalka Tanznia


C/Casiis Maxamed
Radio Halgan Live

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online