Soomaaliya iyo Morocco oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya.[Masawiro]

October 26, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Morocco oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi Ambassador Mohamed Methqal.

Dowladda Boqortooyada Morocco ayaa Soomaaliya uga tacsiyeysay falkii argagaxisanimo ee dhiigga badan ku daatay ee October 14, 2017 ka dhacay Isgoyska 14 October “Zope” ee Muqdisho, kaasi oo gallaaftay nolosha 358 ruux iyo dhaawaca boqolaal rayid ah oo u badnaa xoogsato, dad socotto ah iyo arday.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Morocco u dhexeeya, istiraatiijiyad wax wadaagid dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka iyo bulshada.

Soomaaliya iyo Morocco waxa ay isla garteen in booqashooyin heerkoodu sarreeyo la is dhaafsado. Kulankan oo jawi guul leh ku idlaaday ayaa waxaa goobjoog ka kala ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mr. Ali Mohamed Sheikh iyo Safiirka Safaaradda Morocco ee Kenya Dr. Mokhtar Ghambou.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online