Turkiga oo Gargaar Direya Iyo Beesha Caalamka oo Cambaareysay Qaraxii Muqdisho

October 15, 2017 - Written by Editor

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay dadka rayidka ah lagu laayay, waxaanay tacsi u dirtay dowladda, shacabka, ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibraahim Galen ayaa sheegay in Madaxweyne Rajab tayeb Erdogan uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya loogu diro diyaarad Milatari oo sidda agab caafimaad iyo dawaba, si wax loogu qabto dadka boqollaalka ah ee uu dhaawacu kasoo gaaray qaraxii ugu dhiigga badnaa ee Muqdisho ka dhaca.

Sidoo kale ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarkaasi ay ku baxeen 10-naanka ruux ee rayidka ah.

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul-gheyd ayaa tacsi u diray ehellada dadkii weerarkaasi ku nafwaayay, isagoo soo cusbooneysiiyay ballanqaadkii Jaamacadda Carabta ee ku aaddanaa ka-taageeridda dowladda Soomaaliya dhinaca la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Dhinaca kale, Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa si kulul u cambaareysey qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay xafiiska wakiilka QM Soomaaliya u qaabilsan ayaa lagu sheegay inhay’addu ay si weyn u cambaareynayso falkaasi oo ay mid “bahalnimo” ah ku sheegtay, xustanya in ay kooxda Alshabaab ay ka dambeysay

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarkaasi ay boqollaalka ruux ku wax-yeelloobeen, ee shalay Muqdisho ka dhacay, waxaanay sheegtay in tacsi xanuun badan ay u direyso ehellada dadkii ku wax yeelloobay.

Mareykanku waxa uu amaanay kaalinta uu “Geesinimada” ku sheegay ee ay u gurmadka dadkii wax yeelloobay ka geysteen ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee u soo baxay sidii ay u caawin lahaayeen dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Warkan ayaa lagu yiri “Weerarrada noocan ah ee fuleynimadu ay ka muuqato waxa ay firfircooni gelinayaan kaalintii uu Mareykanku ku caawinayay xulafadiisa Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ee ku aaddaneyn u xididdo siibka kooxda Alshabaab”

Sidoo kale, Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lahjad kulul ku cambaareeyay dhacdadaasi argagaxa leh, waxaanu ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online