Xildhibaano ka tirsan Maamulka Gal-Mudug oo war ka soo saaray shirka Kismaayo.[Dhagayso]

October 8, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Xildhibaanadii horay u shaaciyey in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta waxaa ay soo saareen warsaxaafadeed ay uga soo hor jeedaan shirka maamul gobolleedyada uga furmay magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Xildhibaanadaan ayaa waxaa ay sheegeen in shirka ka furmay Kismaayo uu yahay mid lagu duminayo Qaranimada Soomaaliya iyo dastuurka u yaal maamulka Gal-Mudug.

Warsaxaafeedka ayaa waxaa u akhriyey saxaafadda Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow waxaan uu ku eeddyey Madaxweynaha Jubbaland in shirka kismaayo uu ku casumay madaxweynihii hore ee Gal-Mudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo uu sheegay in xildhibaanada Gal-Mudug ay si sharci ah xilka uga qaadeen.

Hoos ka Dhagayso Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo warbaahinta u akhriyey warsaxaafeedkooda

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/10/Ciyow.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online