Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo Heshiis kala saxiixday

November 27, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay heshiis ku kala saxiixa nayeen baarlamaanada Soomaaliya iyo kan Dalka Jabuuti,kaasi oo ku dhisan wadashaqeyn iyo walaaltinimo. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuri yadda Soomaaliya Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed Sh.Cusmaan Jawaari, guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare ahna kusimaha guddoomiyaha Abshir Axmed Maxmed (Bukhaari),guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxmed Cali Xumud iyo xubno xildhibaano ah.

Heshiiskaasi waxaa u kala saxiixay Soomaaliya guuddooiye Jawaari iyo Abshir Bukhaari guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare ahna kusimaha guddoomiyaha,halka Baarlamaanka Jabuutina uu u saxiixay Maxmed Cali Xumud.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta guddiga saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan,Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed ‘’Abshir Bukhaari’’ ayaa sheegay in xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo.

Waxaa kulanka intii uu socday la isku la soo hadal qaadey muhiimadda ay leedahay wadashqeynta iyo walaaltinimada barlamaanada labada dal ,iyadoo la ammaanay dowrka Jabuuti ay ku leedahay taageerada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ku qoran sida ugu dhaqsiyaha badan u hir gelin doonaan.isagoona bogaadiyay xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer jabuuti iyo dowladooda ,sidoo kalana Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online