Ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah oo soo galay Xuduudka Doolow ee Soomaaliya

November 1, 2017 - Written by Editor

Gedo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan oo watana Gaadiidka dagaalka ayaa u soo talaabay Soomaaliya gaar ahaan xuduudka Doolow uu la wadaago dalka Itoobiya.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin ciidamo hor leh kuwaas oo la sheegayo in ay ku soo qul qulayaan gobalka Gedo ,Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ciidamadan ay u socdaan raxan.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Xuseen Al-qaadi oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya oo hor leh ay soo galeen gobalka Gedo.

Maxamed Xuseen Al-qaadi Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay ujeedka ay ciidamadan u soo galeen dalka uu yahay codsiga Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),ka dib socdaal uu ku soo maray dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya isaga ka codsaday in garab lagu siiyo la dagaalkanka kooxda Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online