Ciidanka Amniga Puntland PSF oo howl gal ka fuliyey deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari.[Masawiro]

November 7, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada Puntland ee PSF ayaa waxaa hawlgalo ciidan ka fuliyeen deegaanka Timirshe iyo weliba Buuraleyda Cal-miskaad oo
ay gobo ka mid ah ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish. Bartilmaameedka hawlgalladan ciidanka PSF ee Puntland ayaa ah mid lagu beegsanayo baraha ay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ay uga sugan yihiin Buuraleyda gobolada Bari iyo gobolka Sanaag ee Puntland.

Howl galka ay ka wadaan ciidanka PSF deegaanka Timirshe iyo weliba Buuraleyda Cal-miskaad aya ku soo beegmaya xili usbucii la soo dhaafay diyaaradaha Maraykanka ay weeraro cirka ka fuliyeen deegaanka Buq oo 60 KM u jirta degmada Qandala. Duqeymaha nocaan oo kale ah oo diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ayaa inta badan dhibato ay ka soo gaartaa dad shacab ah o aan waxba galabsan.

Dhinac kale Ciidamada Puntland ayaa waxaa hawlgalo kale ay ka wadaann Galbeedka iyo Buuraha Calmadow halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo dhowr jeer ay dagaalo dhex mareen Ciidanka Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online