Ciidanka Amniga Puntland (PSF) & PMPF oo soo gabagabeeyey howl gal ay ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.[Masawiro]

November 23, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo ay weheliyaan ciidamada Badda Puntland (PMPF) iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo geba-gebeeyey hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka argagixisada Daacish oo ay afartii maalmood ee la soo dhaafay ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol ee u dhexeeya Balidhidin iyo Qandala.

Hawlgalkan ay ciidamada Puntland ka fuliyeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ayaa bartilmaameedkiisu ahaa sidii ay Daacish uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga dhuumaalay staan Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.

Intii hawlgalkani socday ciidamada Puntland waxay Daacish ka saareen goobo ay kaga dhuumaalaystaan Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Qandala ee gobolka , isla mar ahaantaana waxay ciidamadu ka gubeen cadowga Daacish godad raashin ugu kaydsanaa, waxayna burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ururka argagixisada Daacish oo ku yaal aaggaas, waxaana laga qabtay qalab ay ku samayn jireen waxyaalaha qarxa.

Sarkaal u hadlay ciidamada howl galka ka fuliyey Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ayaa yiri ”Argagixisadu isma qarin karayaan, ciidamada Puntland na way sii wadi doonaan hawlgallada ay dhulka Puntland kaga xoraynayaan cadowga ku soo duulay , waxaana ka go’an ciidamada difaaca Puntland in ay argagixisada u diidaan in aysa helin goobo ay ku badbaadaan” .

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online